waa maxy AI

artificial intelligence (Ai) sidee u shaqeeyaa

Artificial Intelligence (Ai) ama caqliga macmalka ahi iminka waxay ku jirtaa aaladaha sida xawligaa loo soo saarayo sababtuna waa in wax kasta oo waqti badan ay ku bixi jirtay qabashadiisu laga dhigo mid waqti yar lagu qabto ama shaqo dad badan lagu qaban jirey lacag badan ay ku bixi jirtey qabashadeeda in uu kuu qabto hal Ai kasoo kuu kaydinaya waqtiga iyo lacagtaba.

Shaqooyinka uu qabto ( Ai )

Shaqooyinka uu qabto AI maaha mid halka lagu soo koobo karo ama waxa aynuba dhihi karnaa inta badan shaqooyinkii ay dadku qaban jireen Ai wuu qabtaa iminka waxaana ugu horeysa shaqooyinka uu qabto qorista macluumaadka,kaydinta iyo uruurinta macluumaadka, Ganacsiga, sameynta iyo soo saaarista aaladaha.

Sidee buu u shaqeeyaa (Ai)

AI sida ay u shaqeeyaan wey kala duwan tahay waxayna ku xidhantahay shaqada uu kuu qabanayo tusaale ahaan waxaan ku sheegayaa qaabka ay u shaqeeyaan Ai qabta qoraalada ama la weydiiso su`aalaha ee (chatgbt) iyo (bard AI).

Ai xaqiiqdii maaha mid caqli badan sababtoo ah si uu kaaga jawaabo su`aasha aad doonayso waxa uu doonayaa data farabadan sidaas awgeed dadka dhiga AI waxay ku qasban yihiin inay soo download gareeyan dhamaan macluumaadka ku jira internet sida Qoraalada,sawirada,commentiyada iyo xitaa dhamaan article ku jira wikepedia kaliya si xog looga dhex helo.

Kadib xogtaas lasoo uruuriyey waxaa laga dhigaa hal fille oo weyn kadibna qoraaladaas waxaa loo badalaa numbers waayo computer kaliya wuxuu fahmaa numbers intaas kadib dhamaan numberska waxaa laysugu xidhaa sida neerfayaasha dareemada maskaxda bili`aadanka oo kale waayo maskaxda bili`aadanku waxay isugu xidhantahay unugkastaa wuxuu ku xidhanyahay unugyada kale.

Engineeradu waxay koobiyeeyeen qaabka makaxda iyagoo dhex dhigay computerka serverka ah, maskaxdaasina waxay u baahantahay in la mariyo tijaabooyin farabadan mararka hore waxaa laga yaabaa inay ku siiso jawaab qaldan laakiin engineeradu waxay ku celceliyaan kumanaan jeer ilaa ay ka noqonayso mid caqli badan.

Tartan intee leeg baa u dhexeeya shirkadaha waaweyn ?

Dhamaan shirkadaha waaweyn sida Amazon, Apple iyo google waxay tartan ugu jiraan sameynta Ai hor marsan waxeyna maalinkasta soo saaraan Ai kala duwan sidaas darteed mid kastana oo kamida shirkadan waxay ai usoo saaraan macaamiisheeda hadeyn soo qaadanay hadaad isweydiinayso qaab nooceeyo ayey shirkadahani ugu sameeyaan macaamiishoodu Ai ?

Sida ay shirkaduhu macaamiishoodu ugu soo saaraan Ai ?

Tusaale ahaan Shirkada google waa company ugu horeeya marka macluumaad la raadinayo weyna adag tahay inaad macluumaadka aad doonayso aad ku hesho si fudud sidee darteeda waxay soo saareen AI lagu magacaabo Bard Ai kasoo ay shaqadiisu tahay inuu kaaga jawaabo su`aal kasta ama cilad kasta oo kaa haystada dhanka google.

Hadeynu u nimaano shirkada lagu magacaabo apple waynu wada naqaanaa waxay soo saartaa qalabada sida mobile iyo computerka sidaad darteed markii hore si ay usoo saaraan qalabo badan waxay u baahnaayeen inay shaqaalaysiiyaan dad farabadan halkaasna waxaa kaga bixi jirtey lacag badan laakiin iminka waxay soo saareen Ai kasoo badalkii dadka u shaqeynayo halkaasna waxaa u savegaroobay lacagtii kaga bixi lahayd dadka.

iminkana hadeynu u nimaano shirkada caanka ah ee dhanka online ee Amazon sidee bay iyaduna macaamiisheeeda ugu saartaa Ai jawaabta waxay tahay shirkada Amazon waxaa jira dad badan oo ku dhex leh suuqyo dropshipping ah dadkaasina waxay u baahanyihiin inay helaan productiyo qiimo jaban isla markaana suuqa ka soconaya oo ay dadku aad u iibsanayaan sidaad darteeda company wuxuu soo saaray Ai kaliya shaqadoodu tahay inay la socdaan alaabaha loogu iibsiga badan yahay isla markaan qiimahoodu macquulka yahay.

Conclusion/soo koobid

Company sameeya Ai waxay suurta gal ka dhigeen waxyaabo aan tobanaan sano ka hor cid u ku fakartaa aynan jirey taasoo ah inay soo sareen Ai wax yaabo badan oo ay waqti badan iyo lacag badani inagaga bixi jirtey inaynu maanta ku qabsano si fudud oo ka dakhli ama lacag yar. Hadaba Ai lasoo saarayo dhan marka laga eego waa faa`iido sidoo kale hadii dhanka laga fiiriyo waxay dadka u horseedi karan dhibaato waayo waxani waa wax uu qof bili`aadani uu sameeyey wax ka khaldana lama waayi karo.

https://yiroowe.com/https-yiroowe-com/

artificial intelligence (Ai) sidee u shaqeeyaa Read More »

Scroll to Top