youtube iyo Facebook midkee fudud in lacag laga sameeyo

Waqtigan aynu joogno social media wuxuu noqdey Goob ay dad badani ay ka shaqeystaan kana helaan lacag kabadan midii ay mushahar ahaan u qaadan jireen, heer dadka qaarna ayba ku noqdeen millioner, Hadaba adigubu sidooda oo kale waad ka shaqeysan kartaa internetka gaar ahaan social media Hadey noqoto facebook iyo Youtube

Midkee baa Fudud In lacag laga sameeyo ?

su`aashan inteynan ka jawaabin waxaa muhiima inaynu isla aragno shuruudaha ku xidhan platform kasta hadey noqoto youtube iyo facebook.

Shuruudaha Facebook

  1. inaad facebook gaadho 5,000 followers
  2. inaad soo galiso 5 video
  3. inuu daawashada video marka laysku dardaro ay gaadhaan 30,000 daqiiqo
  4. Daqiiqadaha video inaysan ka yaran 3 daqiiqo
  5. inaad soo joogto wadamada laga ogolyahay inay facebook lacag ka sameeyan

Shuruudaha Youtube

SHuruudaha ku xidhan si aad youtube lacag uga sameyso waxaa isagana ugu muhiimsan

  1. Inaad gaadho 1,000 subscribe
  2. inaad soo galiso 3 video
  3. in daawashada video marka laysku dardaro ay gaadhaan 4,000 saacadood
  4. inaad Joogto wadamada loo ogolyahay inay lacag kasameeyaan

Sidoo kale shardigan u danbeeya hadaad soomaaliya joogto waxaad u xalin kartaa sidaa aan kor kusoo sheegay oo ahayd inaad hesho qof faamilkaaga ama asxaabtaada ah oo kaa caawiya inaad hesho account bank iyo address.

Guntii Iyo Gunaanadkii

Hadii aynu iskula imaana su`aashii aan isasoo weydiinay oo ahayd yaa fudud in lacag laga sameeyo facebook iyo Youtube Jawaabteedu waxay noqonaysaa wax farqi ah ama kala adkaansho ay kala adagyihiin oo weyn ma jiraan kaliya waxay ku xidhantahay da`daalkaaga.

youtube iyo Facebook midkee fudud in lacag laga sameeyo Read More »

Sidee Ku Noqon Kartaa Youtuber

youtube Maanta wuxuu dad badan u yahay meel ay ka shaqeystaan oo ay noloshooda kaga maareeyaan halka kuwo kalena ayba ku noqdeen milionary sida MrBeast iyo kuwo kale oo badan, Adigana maxaa kaa hor taagan inaad ka shaqeysato oo aad kamid noqoto dadka ka faa`ideysta internetka.

Hadaba maanta waxaa kula wadaagayaa 5 waxyaabood oo kuu sahlaya inaad noqoto Youtuber la tartama kuwo caalamka hadey noqoto dhanka qalabka aad isticmaalaysid, sida aad u editing gareysan lahayd, mawduucyada aad kusoo gudbin lahayd iyo sidoo kale sidii aad waqti kooban aad horumar uga sameyn lahayd.

Waxa ugu muhiimsan ee lagaa rabo si aad u noqoto Youtuber

Inta aynaan u galin 5 waxyaabood ee lagaaga baahanyahay si aad u noqoto youtuber Waxa jira qodob ka horeeeya kaana muhiimsan qodobkaasoo noqonaya inaad diyaar u tahay inaad wajahdo caqabkasta oo kaa hortimaada inaad waajahdo, waayo waxkasta oo la bilaabayo waxay leeyihiin caqabada kaa hor imaanaya kuwaas oo aadan adigu ku tashanayn laakiin loo baahanyahay markey ku qabsadaan inaad adagu noqon kartid mid iska caabin karaa mushkiladaas.

5 Waxyabood ee lagaaga baahanyahay

1.Mawduucii

Inaad hesho mawduuca aad ku soo gudbin lahayd youtube waa caqabada koowaad ee lagaaga baahanyahay inaad ka gudubto, hadii aad tan ka gudubto 4ta kale waa hubaal inaad durduro ku dhaafi doontid. Waxaa jira mawduucyo badan oo lagu soo gudbiyo Youtube kuwaas oo ay ugu horeeyaan Waxbarashada,Caafimaadka,Madadaalada,Sports itc kuwaas mid kamida hadaad ku fiican tahay ama aad wax uun aad ka taqaan isaga ayaa kuu noqonaya mawduucii aad soo gudbin lahayd.

2.Camera

Camera Marka aan la hadlayo ulama jeedo camerada weyn oo kaliya ee xitaa camerada mobilkaaga ayaa ku jirta oo waad ku duuban kartaa kuna meel gaadhi kartaa inta aad youtube channelkaaga ka korinayso.

3. Computer/Mobile

Inaad haysato computer ama mobil waxay kaa caawinaysaa inaad muuqaaladaada aad ku hagaajisado Adigoo isticmaalayo SoFtware wax lagu edit gareeyo, hadii aadan computer awoodin mobilkaaga ayaa kuu biixinaya booskaas.

4.Microphone

Microphone inaad haysato waa muhiim sababta oo ah waxaa la yidhaahdaa muuqaalkaagu haduu bilaa quality yahay waa la daawan karaa laakiin hadii uu codkiisu yahay mid low Quality ah cid daawan karta ma jirto , Qurinta muuqaalkana qayb muhiim leh ayuu ka qaataa.

5.Thubnail

Thubnail waxaa la yidhaahdaa sawirka kuu muuqanaya inta aadan video ku dhufan, marka aad video ku dhufatana aan ku dhex jirin. Waana waxa ugu muhiimsan ee muuqaalkaaga ka dhigaya inuu dad badan gaadho sababtoo ah hadii aad thubnailkaaga aad ka dhigto mid soo jiidasho leh wuxuu kuu sahlayaa inaad hesho had badan oo kusoo raaca.

Guntii iyo Gunaanadkii

Maqaalkan waxaan kusoo gabab gabeynayaa hal talo oo aanan anigu heli 5sano ka hor hadii aan waqti aan heli lahaana ilaahay idinkaa guusha aan maanta joogo mid kasareysa ayaan gaadhi lahaa, taladaas oo ah inaad joogteyso waxa aad bilowdo haba yaraadeene waxaa kuu balan qaadayaa hadii aad joogteyso mid fiican inaad guul ka keenaysid insha allah

Sidee Ku Noqon Kartaa Youtuber Read More »

Waa Maxay Malicious Software (Malware)?

Malicious Software (Malware) waa magac guud kaasoo koobaya software kasta oo waxyeelo lagu geysto waxyeeladaas lagaysanayana waxay ka dhex dhacaysaa internetka dhexdiisa. Malware waa labo erey oo laysku daray kuwaas oo kala ah ( malicious software ) hadaan labadan erey eegno micno ahaan waxay noqonayaan ereyga malicious waa fal guracaan Halka ereyga Software uu yahay Application la adeegsado. Isku darka labadan ereyna wuxuu noqonayaa Software lagu geysto Falal Guracan Ama Falal khatara.

Noocyada Malicious Softwarska (Malware)

Malware wuxuu u kala baxaaa Qaybo badan laakiin waxaynu soo qaadan doonaa 5 qaybood ee ugu muhiimsan ee inta badana la isticmaalo si`aad uga digtoonaatid inaan laguu isticmaalin mid kamida malwares aan kutusin doono, marka aan kula wadaago malwares waxaynu midmid u dul istaagi doonaa malwares inagoo sharaxaaad kooban ka bixin doona.

  1. Virus
  2. Worms
  3. Spyware
  4. Trojan
  5. Ransomware

Waa maxay Virus ?

Virus waa malware ugu caansan aan naqaana, Qofka hacker marka uu sameeyo virus waxaa ku daraa file ama barnaamij aad doonay loogu isticmaalka badan yahay isagoo sugaya inta file laga furayo ama lagu shubayo computerka, Virus wuxuu magaca ama saameyntiisa kala mid yahay sida xanuunada ku dhaca bili`aadamka sida hargabka oo kale waxa uuna u faafaa si dagdag ah isagoo hadii aan la ogaan isaga gudbi kara computer badan.

Waa maxay Worms ?

Worms sida aad magaca ka aragteen waxaa loo bixiyey dirxi taasaa looga tusaala qaatey qaabka uu isaga kala gudbo computerska, Worms uma baahna in in uu Hadii uu computer ku dhoco in linkigiisa lasii faafiyo ama dadkale loo share gareeyo ee isaga ayaa isaga kala gudbaya dhamaan wixii qalab ah ee ku xidhan network uu computerku ama mobile uu ku xidhanyahay.

Waa maxay Spyware?

Spyware sida aad magac intiisa hore uga jeedaan waa jaajuus waxa loogu bixiyeyna waa inuu marka uu computerka ama mobilka uu soo galo aan horey laga dareemin taasoo u saamaxda inuu qofka ka uruuriyo macluumaaadkiisa sida passwordkiisa, Accountiyada uu galay iyo dhaman macluumaadkisa shaqsiyadeed. Sidoo kale wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhagaysto oo uu furo microphone isagoo duubaya dhamaan codadkaaga iyo inuu furo camera isagoo ku duubaya adiga oo aan war ka hayn.

Waa maxay Trojan?

Trojan waa malware kamida malmareska ugu khatarta badan wuxuuna badanaa isku eekaysiiyaa mida qofka faa`iido u leh waxaana inta badan wuu qofla cyber-attagaa uu dhex galiyaa softwareda sharcigaa sida adobe iyo Microsoft. Sidoo kale waxaa laguu soo dhex galin karaa software aad social media ka baadhay ama link aad u baahnayd iyadoo laysku soo eekaysiinayo shirkada ama shaqsiga aad fariinta ka sugaysay.

Waa maxay Ransomware ?

Ransomware waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Scareware, Ransomware sida aad magaca ka aragto waa madax furasho hadii uu computerkaaga ku dhoco wuxuu ku yahay khatar weyn, Hadii uu computerkaaga ku dhaco ama uu soo galo waxa uu awood u yeelanayaa inuu kaa xidho dhamaan network aad isticmaalaysay isagoo sidoo kale dhamaan xogta kuugu jirta ka dhigaya mid aan la fahmi karin kadibna si uu xogtaada uu sidii saxda ahayd ugu soo celiyo wuxuu Qodka cyber-attack ku weydiisanayaa lacag. Hadii aad lacagtaa bixin weysana waxaad khatar ugu jirtaa in aad xogtaada weyso ama la hadii ay kuugu jireen macluumaad xasaasi ah waxaa laga yaabaa inuu soo dhigo social media ama uu internetka madow ku iibiyo.

Guntii Iyo Gunaanadkii

Hadaba hadii aan kusoo sheegay noocyada attackiska waxaa sidoo kale muhiima inaan kuu sheego qaabka aad ku dareemi lahayd inay device soo galeen kuwo ama midka mida malwareska iyo sidii hadii ay soo galaan aad uga badbaadi lahayd lkhatarahood.

Si aad uga hortagto inay soo galaan malwaresku computerkaaga ama any deivice aad isticmaasho ugu horeyn waa inaad ku shubataa anti viruska kala duwan ee jira kuwaasaa ka hortaga inuu soo galo any malicious software.

Sidee uga badbaadi karaa hadiiba ay soo galaan computerkeyga?. Ugu horeyn waa inaad iska damisaa hadii uu device ku xidhanyahay network si uusan ugu gudbin deviceyada kale ee ku xidhan network intaas kadib waxad isku daydaa inaad badasho dhamaan passwordkaaga, sidoo kale waa inaad isku daydaa inaad ogaato nooca uu yahay malware laguu isticmaalay markaa kadibna aad ka hortagtaa.

Waa Maxay Malicious Software (Malware)? Read More »

4 Application ee ugu Fiican mobile Video Editing

Video Editing Maanta Dunidan casrigaa waxa uu kaga jiraa kaalin muhiima sababta oo ah maanta dunida aynu joogno waxaa lagu magacaabaa dunida macluumaad is weydaarsiga. Taas ayaana ka dhigtay in qofkii aan aqoon sida content dadka loogu gudbiyo ha ahaato qaab video ah ama qaab cod ah inay ka dhigantahay qof aan la jaanqaadi karin dunida casrigaa.

1.Kinemaster

Application Kinemaster Run ahaantii waa mid aad iyo aad u fudud barashadiisu laakiin kaliya waxa uu u baahanyahay qof waqti galiya, Waxaana hubaa qofkii Kaliya Hal isbuuc wax ku edit gareeya inuu meel fiican ka gaadhi doono muuqaal samaeynta.

2. CAPCUT

Application inteena badan weynu wada naqaanaa waana hubaa inaad mar uun uu kasoo horbaxay isagoo wax lagu editgareynayo ama laga hadlayo sida wax loogu edit gareeeyo waxaana dhihi karaa waa muuqaal sameeyahay ugu fiican marka laga hadlayo applicationska mobilka ee wax lagu edit gareeyo

3.VN EDITOR

Application waxay si weyn isku soo shabahaan application loo yaqaan capcut oo aynu inteena badan wada naqaano laakiin waxay ku kala duwan yihiin Features ay ku siinayaan oo midba midka kale waxbuu kaga wacan yahay. Waana application aad ku sameyn kartid muuqaalo u dhigma kuwa lagu sameeyo adobe premierka.

4. Youtube Creator App

Youtube waxaynu ku naqaaney inaynu kaliya muuqaal ka daawano laakiin sanadki iminka dhamaadey ee 2023 waxay soo saartey application wax lagu edit gareeyo waana keynu maanta ka hadlayno wax uuna si fudud awood kuugu siinayaa inaad muuqaalka aad doonayso uu kuugu edit gareeyo waqti Yar.

Xagee ka Helaysaa Applications

Applicationkan maaha kuwo aad soo iibsanaysid ee waa kuwo aad si free ah aad ugala soo dagi karto Appstore ama Playstore waana kuwo aad u fudud oo maaha applications size ahaan waaweyn.

Guntii Iyo Gunaanadkii

Mawduuceena waxaa kuugu soo koobayaa inaan hal talo ku siiyo hadaad rabtid inaad noqoto muuqaal sameeye ka duwan muuqaal sameeya yaasha kale. Si ay taasi u dhacdo qalad ay ku dhacaan dadka baranaya muuqaal sameynta ayaan kaaga digayaa inaad ku dhacdo taasoo ah in qofku kaliya uu xooga saaro inuu daawado tutorial kaliya ka hadlayo sameynta muuqaal gooniya, Taas cagsigeed baro Toolska la isticmaalayo kadib waxaan kuu hubaa inaad sameyn doontid muuqaalo ka duwan kuwo ay dadku sameeyaan oo heer caalami ah.

4 Application ee ugu Fiican mobile Video Editing Read More »

waa maxay software engineering

Software Engineering : waa laan kamida computer science taasoo diirada saarta nashqadeynta, dhisida cilad bixinta iyo ilaalinta xogta ku kaydsan softweerada waana xirfad qofka iminka bartaa uu ku helayo fursado shaqo oo mushahar koodu sareeyo, xirfadan sameynta softweeradu qofkii si qoto dheer u bartaa wuxuu fursado badan ka heli karaa suuqa technology ee sida xawaaraha ku socda.

Qofka baranayo xirfadan Software engineerinka maxaa looga baahanyahay?

Qofka xirfadan baranayo waxaa looga baahanyahay marka u horeysa inuu wax uun ay uga bilaaban yihiin programming language ay ugu horeeyaan html,css php java script iyo  pyson kuwaas oo lagu dhiso barnaamijyada.

Marka software la sameynayo intee marxaladood buu maraa?

  1. Uruurinta : in la uruuriyo shuruudaha iyo waxa uu u baahanyahay software iyo nooca uu noqonayo iyo weliba cida isticmaalaysa
  2. Nashqadeynta : waxaa la nashqadeeyaa qaabka uu u eekaanayo iyo qaab dhismeedka uu yeelanayo software
  3. Hirgalinta : waa in la qori code si loo sameeyo software
  4. Tijaabin : in la tijaabiyo software la sameeyey ka dibna la ogaado wax ka khaldan
  5. Cusboonaysiin : qaybtan waa qaybta ugu muhiimsan sababta oo ah waxay qayb muhiima ka qaadataa inuu sii jiro software oo uu sii shaqeeyo waqti dheer

Hababka la raaco si software loo sameeyo?

Marka wax la sameynayo inaad u samayso hab aad raacdid waxay kaa kaalmaynaysaa inaad waqti cayiman aad ku saartid waxa aad doonayso inaad qabato , sidaa darted marka software lasamaynayo waxaa jira habab la raaco kuwaasoo kuu sahlayo inaad mudo cayiman aad ku samaysid software cajiiba hadaba maxay yihiin hababkan :

hababka la raaco marka la sameynayo software waxaa ugu caansan Agile, waterfall iyo Devops.

Dakhliga uu ku shaqeeyo qofka bartay software engineering

Dakhliga uu ku shaqeeyo Qofka bartay xirfada software engineering way kala duwan tahay waxay ku xidhantahay project ama software aad dhisasid inta uu leegyahay tusaale ahaan hadaad dhisaysid software weyn lacagta aad qaadanaysid waa mid badan  sidoo kale hadaad dhisaysid software yar lacagta aad qaadanaysid way yartahay laakiin celcelis ahaan lacagta lagu qiyaaso inuu ku shaqeeyo sanadkii qofka bartay xirfadda software engineerinku waa 150,00 ilaa 200,00

waa maxay software engineering Read More »

Scroll to Top