4 Application ee ugu Fiican mobile Video Editing

Video Editing Maanta Dunidan casrigaa waxa uu kaga jiraa kaalin muhiima sababta oo ah maanta dunida aynu joogno waxaa lagu magacaabaa dunida macluumaad is weydaarsiga. Taas ayaana ka dhigtay in qofkii aan aqoon sida content dadka loogu gudbiyo ha ahaato qaab video ah ama qaab cod ah inay ka dhigantahay qof aan la jaanqaadi karin dunida casrigaa.

1.Kinemaster

Application Kinemaster Run ahaantii waa mid aad iyo aad u fudud barashadiisu laakiin kaliya waxa uu u baahanyahay qof waqti galiya, Waxaana hubaa qofkii Kaliya Hal isbuuc wax ku edit gareeya inuu meel fiican ka gaadhi doono muuqaal samaeynta.

2. CAPCUT

Application inteena badan weynu wada naqaanaa waana hubaa inaad mar uun uu kasoo horbaxay isagoo wax lagu editgareynayo ama laga hadlayo sida wax loogu edit gareeeyo waxaana dhihi karaa waa muuqaal sameeyahay ugu fiican marka laga hadlayo applicationska mobilka ee wax lagu edit gareeyo

3.VN EDITOR

Application waxay si weyn isku soo shabahaan application loo yaqaan capcut oo aynu inteena badan wada naqaano laakiin waxay ku kala duwan yihiin Features ay ku siinayaan oo midba midka kale waxbuu kaga wacan yahay. Waana application aad ku sameyn kartid muuqaalo u dhigma kuwa lagu sameeyo adobe premierka.

4. Youtube Creator App

Youtube waxaynu ku naqaaney inaynu kaliya muuqaal ka daawano laakiin sanadki iminka dhamaadey ee 2023 waxay soo saartey application wax lagu edit gareeyo waana keynu maanta ka hadlayno wax uuna si fudud awood kuugu siinayaa inaad muuqaalka aad doonayso uu kuugu edit gareeyo waqti Yar.

Xagee ka Helaysaa Applications

Applicationkan maaha kuwo aad soo iibsanaysid ee waa kuwo aad si free ah aad ugala soo dagi karto Appstore ama Playstore waana kuwo aad u fudud oo maaha applications size ahaan waaweyn.

Guntii Iyo Gunaanadkii

Mawduuceena waxaa kuugu soo koobayaa inaan hal talo ku siiyo hadaad rabtid inaad noqoto muuqaal sameeye ka duwan muuqaal sameeya yaasha kale. Si ay taasi u dhacdo qalad ay ku dhacaan dadka baranaya muuqaal sameynta ayaan kaaga digayaa inaad ku dhacdo taasoo ah in qofku kaliya uu xooga saaro inuu daawado tutorial kaliya ka hadlayo sameynta muuqaal gooniya, Taas cagsigeed baro Toolska la isticmaalayo kadib waxaan kuu hubaa inaad sameyn doontid muuqaalo ka duwan kuwo ay dadku sameeyaan oo heer caalami ah.

Scroll to Top