freelancer 10 Qaab aad ku noqon kartid

freelancer

waa maxay freelancer?

freelancer waa inuu qofku shaqo xor ah kaga shaqeysto qaab online ah isagoo aan cid amrasaa jirin ayuu xirfadihiisa ku xamaalanayaa.

waagii hore waxaa la odhan jirey dadka shaqeeyaa 98% muruqooda ayey isticmaali jiriin ( hand making ) iyagoo ka shaqeynayaa shaqaba shaqadey ka adag tahay si ay nolol maalmeelkooda ugu raadsadaa, Laakiin casrigaan lagu jiro wax walba wey isbadeleen waayo iminka dadku 80% waxay isticmaalaan maskaxdooda ( mand making ).

Sidee ku noqon karaa freelancer?

  • AQoonso xirfadaada (adentify your skills )

si aad freelancer u noqotaa waxaa lagama maarmaan ah inaad leedahay xirfadaha internet lagaga shaqeysto weliba waxaa aad muhiim u ah inaad hal ama labo xirfadood aad ku noqoto khabiir si aad macaamiisha aad u shaqeyneyso ay aad ugu bogaan shaqada aad u qabanayso.

  • Dhiso web portfolio (build your portfolio)

website portfolio wuxuu kaa caawinayaa iney macaamiishaadu si fudud ku aqoonsadaan waxaad tahay iyo waxa aad qaban karto, sidoo kale portfolio waxaa la dhihi karaa waa adigoo dukaan ku leh suuqa ay macaamiishaadu kuugu imaan karaan marka ay rabaan inaad u adeegto.

  • Samayso Goob aad ku hawl gasho (setup your workspace)

Inaad goob aad ku hawlgasho aad samaysato waxay kaa saacideysaa inaad si hufan oo degan aad u qabsato shaqadaada. Tani waxay noqonkartaa gurigaaga ama goob adiga kuu khaasa.

  • Go`aanso nichakaaga (decide on your niche)

Inaad leedahay neche ama hadaf cayiman waa ta keenaysa inaad si fudud ku noqotid freelancer, sidoo kale waxay si fudud kuugu xiraysaa cida macaamiil kuu noqonaysa tusaale ahaan haduu nichekaagu yahay inaad graphic design aad khabiir ku noqotid marka aad hadafkaaga gaadho waa taqaan cida aad u shaqeyneyso.

  • Sameyso goobaha khadka tooska ( create an online presence)

Waa inaad profile ka sameysataa goobaha lagaga shaqeysto shaqooyinka xortaa adigoo u maraya internetka goobahaa waxaa ugu caansan Fiver, upwork iyo freelancer tani waxay kuu sahlaysaa inaad si fudu ku gaadho macaamiishaada.

  • shabakad (network)

Inaad sameysato network ama shabakada isku xidhan oo ay ku mideysan yihin dadka kula xirfadaa ama warshaqadaha shaqooyinka loo qabto ama ka qayb galka shirarka online si aad xirfadaada kor ugu qaado.

  • Deji heerarkaaga (set your rates)

Baadh waxa ay dadka kale ee xortaa ee suuqa kula jooga ay macaamiishooda ugu shaqeeyaan si aad adigu ugu sameysto qiimo dhimis halkaasna aad ugu hesho macaamiil u bogey qiimahaaga macquulkaa.

  • Bilow codsiga mashaariicda (start applying for project)

Bilow codsiyada gigs ama mashaariicda ku haboon xirfadahaaga ama danahaaga, ku habee soo jeedintaada shaqo kasta si aad u kordhiso fursadahaaga shaqo.

  • Bixi shaqo tayo leh (Delivery quality work)

Markaad bilowdo inaad hesho mashaariic, hubi inaad ku bixiso shaqo tayo sare leh waqtigii loogu talagalay, Dib u eegis iyo tixraacyo togan ayaa si weyn kor ugu qaadi kara xirfadahaaga xortaa

  • Maamul maaliyaadaada iyo qandaraasyadaada (Manage Finances and contracts)

La soco dakhligaaga, kharashaadkaaga iyo mashruucaaga kuu madax banaan, waa lama huraan aan yeelato qandaraasyo cad ama hishiisyo macaamiishaada si looga fogaado ismaandhaaf.

soo koobid (conclusion)

Noqoshada freelancer waxay ku lug leedahay aqoonsiga xirafadaada, disida faylalkaaga qeexaya waxyaabaha aad qaban karto, degjinta goobta shaqo, ku takhasuuska niche, sameynta goobaha shaqada, isku xidh, dejinta qiimahaaga , codsashada mashaariicda, bixinta shaqo tayo leh, maareynta shaqadaada iyo Qandaraasyaada.

Waa safar u baahan da`daal, horumar joogta ah iyo adkaysi si aad ugu guulaysto shaqooyinka xortaa (freelancing).

1 thought on “freelancer 10 Qaab aad ku noqon kartid”

  1. Pingback: 3 Website Ka Samayso Logo Qurxoon - 1

Comments are closed.

Scroll to Top