3 website sidee logo ugu samaysan kartaa ?

Logo waa Nashqad ama calaamad lagu garanayo companigaaga ama ganacsigaaga kuu gaarkaa, Waqtigii Hore ganacsiga qofku uu leeyahay magaciisa wax ahmiyada lama siin jirin laakiin waqtigaan casrigaa logo ama nashqad ganacsigii aan lahayn wey adag tahay in la aqoonsado.

Nashqad markii la samaynayo waqtigii hore waxaa kaliya loo daba fadhiisan jirey dadka nashqadeeyayaashaa ama bartey xirfada (Graphic Design), laakiin waqtigaan casrigaa ayaa inoo sahlay inuu qofkastaa uu isagu sameysan karo logo diisa.

Hadadab saddexdan website ku samayso logo da aad doonayso adigoo u nashqadeysanaaya qaabkii aad adigu doonayso wax lacagana kaa bixi mayso oo website dhamaantood waa free.

1. canva

Canva waaa website kuu qabanay dhamaan waxyaabaha la xidhiidha design sidoo kale waxaad ku samaysan kartaa Logo profisional ah waana website ugu caansan marka la isticmaalayo design iyo waxyaabaha la xidhiidha

2. FIVER LOGO MAKER

fiver waxaa laga yaabaa inaad ku taqaanay dhanka isku xidhka customerska iyo dadka xirfadaha leh qaab freelancer ah si ay shaqooyinkooda maalin laha ay isugu qabtaan, Hadaba maanta wax ka duwan ayeynu ku sameynaynaa oo ah logo isagoo aan waqti badan inaga baxayn.

3. BRAND TAILAR

Brand tailor waa website ugu wanagsan marka la sameynayo logo ha ahaato mid company weyn iyo mid uu qof khaas ahaan u isticmaalayo ani ahaan waan isticmaalay marar kala duwan logo qurux badana waan ku sameeyey .

Conculison/ soo koobid

Si aad nashqad u sameysatid ama logo kuu gaara u baahnid inaad leedahay xirfado waa weyn ama aad tahay qof graphic design aad u yaqaana laakiin waxaa muhiima inaad wax uun ka garanayso qaababka ay logo u ahaan karaan kuwo soo jiidasho leh, Taasina casrigan la joogo waxay ka dhigtay samaynta logo mid fudud oo qofkastaa uu samayn karo logo quruxbadan

3 website sidee logo ugu samaysan kartaa ? Read More »