Sidee Ku Noqon Kartaa Youtuber

youtube Maanta wuxuu dad badan u yahay meel ay ka shaqeystaan oo ay noloshooda kaga maareeyaan halka kuwo kalena ayba ku noqdeen milionary sida MrBeast iyo kuwo kale oo badan, Adigana maxaa kaa hor taagan inaad ka shaqeysato oo aad kamid noqoto dadka ka faa`ideysta internetka.

Hadaba maanta waxaa kula wadaagayaa 5 waxyaabood oo kuu sahlaya inaad noqoto Youtuber la tartama kuwo caalamka hadey noqoto dhanka qalabka aad isticmaalaysid, sida aad u editing gareysan lahayd, mawduucyada aad kusoo gudbin lahayd iyo sidoo kale sidii aad waqti kooban aad horumar uga sameyn lahayd.

Waxa ugu muhiimsan ee lagaa rabo si aad u noqoto Youtuber

Inta aynaan u galin 5 waxyaabood ee lagaaga baahanyahay si aad u noqoto youtuber Waxa jira qodob ka horeeeya kaana muhiimsan qodobkaasoo noqonaya inaad diyaar u tahay inaad wajahdo caqabkasta oo kaa hortimaada inaad waajahdo, waayo waxkasta oo la bilaabayo waxay leeyihiin caqabada kaa hor imaanaya kuwaas oo aadan adigu ku tashanayn laakiin loo baahanyahay markey ku qabsadaan inaad adagu noqon kartid mid iska caabin karaa mushkiladaas.

5 Waxyabood ee lagaaga baahanyahay

1.Mawduucii

Inaad hesho mawduuca aad ku soo gudbin lahayd youtube waa caqabada koowaad ee lagaaga baahanyahay inaad ka gudubto, hadii aad tan ka gudubto 4ta kale waa hubaal inaad durduro ku dhaafi doontid. Waxaa jira mawduucyo badan oo lagu soo gudbiyo Youtube kuwaas oo ay ugu horeeyaan Waxbarashada,Caafimaadka,Madadaalada,Sports itc kuwaas mid kamida hadaad ku fiican tahay ama aad wax uun aad ka taqaan isaga ayaa kuu noqonaya mawduucii aad soo gudbin lahayd.

2.Camera

Camera Marka aan la hadlayo ulama jeedo camerada weyn oo kaliya ee xitaa camerada mobilkaaga ayaa ku jirta oo waad ku duuban kartaa kuna meel gaadhi kartaa inta aad youtube channelkaaga ka korinayso.

3. Computer/Mobile

Inaad haysato computer ama mobil waxay kaa caawinaysaa inaad muuqaaladaada aad ku hagaajisado Adigoo isticmaalayo SoFtware wax lagu edit gareeyo, hadii aadan computer awoodin mobilkaaga ayaa kuu biixinaya booskaas.

4.Microphone

Microphone inaad haysato waa muhiim sababta oo ah waxaa la yidhaahdaa muuqaalkaagu haduu bilaa quality yahay waa la daawan karaa laakiin hadii uu codkiisu yahay mid low Quality ah cid daawan karta ma jirto , Qurinta muuqaalkana qayb muhiim leh ayuu ka qaataa.

5.Thubnail

Thubnail waxaa la yidhaahdaa sawirka kuu muuqanaya inta aadan video ku dhufan, marka aad video ku dhufatana aan ku dhex jirin. Waana waxa ugu muhiimsan ee muuqaalkaaga ka dhigaya inuu dad badan gaadho sababtoo ah hadii aad thubnailkaaga aad ka dhigto mid soo jiidasho leh wuxuu kuu sahlayaa inaad hesho had badan oo kusoo raaca.

Guntii iyo Gunaanadkii

Maqaalkan waxaan kusoo gabab gabeynayaa hal talo oo aanan anigu heli 5sano ka hor hadii aan waqti aan heli lahaana ilaahay idinkaa guusha aan maanta joogo mid kasareysa ayaan gaadhi lahaa, taladaas oo ah inaad joogteyso waxa aad bilowdo haba yaraadeene waxaa kuu balan qaadayaa hadii aad joogteyso mid fiican inaad guul ka keenaysid insha allah

Sidee Ku Noqon Kartaa Youtuber Read More »