waa maxay software engineering

Software Engineering : waa laan kamida computer science taasoo diirada saarta nashqadeynta, dhisida cilad bixinta iyo ilaalinta xogta ku kaydsan softweerada waana xirfad qofka iminka bartaa uu ku helayo fursado shaqo oo mushahar koodu sareeyo, xirfadan sameynta softweeradu qofkii si qoto dheer u bartaa wuxuu fursado badan ka heli karaa suuqa technology ee sida xawaaraha ku socda.

Qofka baranayo xirfadan Software engineerinka maxaa looga baahanyahay?

Qofka xirfadan baranayo waxaa looga baahanyahay marka u horeysa inuu wax uun ay uga bilaaban yihiin programming language ay ugu horeeyaan html,css php java script iyo Ā pyson kuwaas oo lagu dhiso barnaamijyada.

Marka software la sameynayo intee marxaladood buu maraa?

  1. Uruurinta : in la uruuriyo shuruudaha iyo waxa uu u baahanyahay software iyo nooca uu noqonayo iyo weliba cida isticmaalaysa
  2. Nashqadeynta : waxaa la nashqadeeyaa qaabka uu u eekaanayo iyo qaab dhismeedka uu yeelanayo software
  3. Hirgalinta : waa in la qori code si loo sameeyo software
  4. Tijaabin : in la tijaabiyo software la sameeyey ka dibna la ogaado wax ka khaldan
  5. Cusboonaysiin : qaybtan waa qaybta ugu muhiimsan sababta oo ah waxay qayb muhiima ka qaadataa inuu sii jiro software oo uu sii shaqeeyo waqti dheer

Hababka la raaco si software loo sameeyo?

Marka wax la sameynayo inaad u samayso hab aad raacdid waxay kaa kaalmaynaysaa inaad waqti cayiman aad ku saartid waxa aad doonayso inaad qabato , sidaa darted marka software lasamaynayo waxaa jira habab la raaco kuwaasoo kuu sahlayo inaad mudo cayiman aad ku samaysid software cajiiba hadaba maxay yihiin hababkan :

hababka la raaco marka la sameynayo software waxaa ugu caansan Agile, waterfall iyo Devops.

Dakhliga uu ku shaqeeyo qofka bartay software engineering

Dakhliga uu ku shaqeeyo Qofka bartay xirfada software engineering way kala duwan tahay waxay ku xidhantahay project ama software aad dhisasid inta uu leegyahay tusaale ahaan hadaad dhisaysid software weyn lacagta aad qaadanaysid waa mid badanĀ  sidoo kale hadaad dhisaysid software yar lacagta aad qaadanaysid way yartahay laakiin celcelis ahaan lacagta lagu qiyaaso inuu ku shaqeeyo sanadkii qofka bartay xirfadda software engineerinku waa 150,00 ilaa 200,00

Scroll to Top