youtube iyo Facebook midkee fudud in lacag laga sameeyo

Waqtigan aynu joogno social media wuxuu noqdey Goob ay dad badani ay ka shaqeystaan kana helaan lacag kabadan midii ay mushahar ahaan u qaadan jireen, heer dadka qaarna ayba ku noqdeen millioner, Hadaba adigubu sidooda oo kale waad ka shaqeysan kartaa internetka gaar ahaan social media Hadey noqoto facebook iyo Youtube

Midkee baa Fudud In lacag laga sameeyo ?

su`aashan inteynan ka jawaabin waxaa muhiima inaynu isla aragno shuruudaha ku xidhan platform kasta hadey noqoto youtube iyo facebook.

Shuruudaha Facebook

  1. inaad facebook gaadho 5,000 followers
  2. inaad soo galiso 5 video
  3. inuu daawashada video marka laysku dardaro ay gaadhaan 30,000 daqiiqo
  4. Daqiiqadaha video inaysan ka yaran 3 daqiiqo
  5. inaad soo joogto wadamada laga ogolyahay inay facebook lacag ka sameeyan

Shuruudaha Youtube

SHuruudaha ku xidhan si aad youtube lacag uga sameyso waxaa isagana ugu muhiimsan

  1. Inaad gaadho 1,000 subscribe
  2. inaad soo galiso 3 video
  3. in daawashada video marka laysku dardaro ay gaadhaan 4,000 saacadood
  4. inaad Joogto wadamada loo ogolyahay inay lacag kasameeyaan

Sidoo kale shardigan u danbeeya hadaad soomaaliya joogto waxaad u xalin kartaa sidaa aan kor kusoo sheegay oo ahayd inaad hesho qof faamilkaaga ama asxaabtaada ah oo kaa caawiya inaad hesho account bank iyo address.

Guntii Iyo Gunaanadkii

Hadii aynu iskula imaana su`aashii aan isasoo weydiinay oo ahayd yaa fudud in lacag laga sameeyo facebook iyo Youtube Jawaabteedu waxay noqonaysaa wax farqi ah ama kala adkaansho ay kala adagyihiin oo weyn ma jiraan kaliya waxay ku xidhantahay da`daalkaaga.

Scroll to Top